Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliyeyaasha Sirdoonka Somalia, Itoobiya & Eritreya oo shir xasaasi ah ku leh Addis ababa

Saraakiisha Sirdoonada Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayuu shir xasaasi ah uga socda magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Shirkan ayaa la rumeysan yahay inuu ka dambeeyay booqashadii todobaadki hore Madaxweyne Farmaajo ku tagay Asmara oo siyaasiyiinta mucaaradka shaki weyn ka muujiyeen iyo booqasho kedis ah oo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ku tagay dalka Itoobiya.

Shaki badan ayaa laga muujiyay shirka u socda Madaxda Sirdoonka saddexda dal, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in looga hadlayo arrimo ay ka mid yihiin doorashada Soomaaliya, iyadoo Madaxweynayaasha Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya uu ka dhaxeeyo isxulufeysi Siyaasadeed.

Somalia ayaa lagu wadaa iney ka bilowdaan bilaha soo soo socda doorashooyin dadban oo si weyn hoos u dhigay rajadii Madaxweyne Farmaajo uu ka qabay in mar kale uu ku soo laabto kursiga, maadaama uu socon waayey qorshihii ahaa doorasho qof iyo cod ah oo madaxweynuhu doonayey in la qabto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddiga doorashada Hirshabelle oo dib u saxay qoraalkii lagu shaaciyey kuraasta Baladweyne

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo shaacisay in la gaaray Xiligii Farmaajo ka dagi lahaa Hargeysa

Cabdi Cade

Gudoomiye Mursal oo la kulmay Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha Jabuuti (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---