Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo kulan miro dhal ah la yeeshay Nicolas Berlang

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Safiirka Midowga Yurub u jooga  Soomaaliya Danjire Nicolas Berlang.

Kulanka ayaa labada dhinac waxa ay uga wada hadleen arrimo dhoor ah ay ka mid yihiin iskaashiga Midowga Yurub ee horumarinta Soomaaliya iyo horey u socodka ammaanka iyo doorashooyinka dalka.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa sheegay in uu wadahal miro dhal ah la yeeshay Danjire Nicolas Berlange, waxa uuna uga mahad celiyay midowga Yurub taageerada ay siiyaan dowlada Soomaaliya.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay kulamo kala duwan la qaadanayay wakiilo katirsan beesha Caalamka ee jooga Soomaaliya, waxa uuna inta badan kala hadlayay sidii ay u taageeri lahaayeen xukuumada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiiradii la magacaabay oo la dhaariyey & guddoomiye Mursal oo hal arrin ka codsaday (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Taliye ka tirsan Heyadda Nabad Sugida Qaranka oo xabsiga loo taxaabay

Caydiid Ali

Madaxweyne Qoor Qoor oo xeelad Siyaasadeed oo cajiib ah u adeegsaday Xaaf

Cabdi Cade
Taboola Ads ---