Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo daah-furay olole lagu afurinayo 15 kun oo qoys (Daawo Sawirada)

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha G/Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta daah-furay olole lagu afurinayo 15 kun oo qoys. Maamulka Gobolka Banaadir ayaana Sanadkii labaad afurinaya Bulshada danyarta ah ee ku nool Magaalada Muqdisho.

Duqa magaalada Muqdisho  ayaa kormeeray goobaha cuntada lagu diyaarinayo, iyagoo ugu baaqay cid walba oo wax haysato in kaalintooda ay ka qaataan gacan siinta walaalahooda Sooman.

Eng. Yarisow ayaa sheegay in barnaamijkan uu gobolku sameeyay markii uu arkay baahida loo qabo iyo sida ay lagama maarmaan u tahay gacan qabashada dadka danyarta ah. Isagoo uga mahadceliyey Hay’add door muhiimka ah arintan ka geesatay.

Maamulka Gobolka Banaadir wuxuu u taagan yahay gacan qabashada danyarta Soomaaliyeed, maadaama ay bilatay bishii barakaysnayd ee Ramadan kuligeen waxaa waajib nagu ah gurmad iyo gacan qabasho loo fidiyo walaalaheena aan wax haysan, tani waa bilow lagu afurinayo 15kun oo qoys balse waa in loo istaagaa sidii intan looga badin lahaa”.Ayuu yiri Eng. Yarisow Duqa Caasimadda Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxa Hay’ada WHO oo Laga Codsaday In uu Iscasilo iyo sababta keentay

Cabdi Cade

Taariikh Nololeedka Gudoomiye ku-xigeenka cusub ee Maamulka G/Banaadir

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse oo Shaaciyay in uu Xal u raadinayo Caqabado ka dhashay Doorashadii dhacday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---