Daawo Sawirada: Madaxweyne ku guuleestay Tartan Caalami ah uu ka qeyb galay

Madaxweynaha dalka Turkmenistan, Gurbanguly Berdimuhamedov ayaa si lama filaan ah ugu guuleestay Tartan caalami ah oo baabur wadista oo lagu qabtay  lama degaanka Karakum ee dalka Turkmenistan.

Warbaahinta dalka Turkmenistan, ayaa ku waramay in Madaxweynaha uu tagay goobta tartanka lagu qabanayay uu ku sugnaa Wasiirka Arimaha Gudaha, waxa uuna Madaxweynaha si kaftan ah u codsaday in uu tartanka ka qeyb gali karo.

Guddigii tartanka maamulayay ayaa u sheegay Madaxweynaha in uu tartanka ka qeyb gali karo maadaama uu  buuxiyay shuruudaha laga rabo tartamayaasha, waxa uuna watay Madaxweynaha gaari nuuca tartanka loogu tala galay ee BWM Sports .

Madaxweyne Gurbanguly Berdimuhamedov oo tartanka ka qeyb galay ayaa si lama filaan ah ugu guuleestay tartanka wadista gawaarida, waxa uuna Madaxweynaha ka guuleestay darawalo xirfad badan u lahaa tartankan.

Dadka qaarkood ayaa aaminsan in Madxaweynaha lagu sharfay guushaasi , waxaana la isweeediiyay sida uu Madaxweynaha oo tartankan usoo diyaar garoobin uga guuleestay dad xirfad badan u leh kaxeynta baabuurta.

Madaxweynaha dalka Turkmenistan ayaa la sheegay in uu yahay nin Isboortiska nuucyadiisa kala duwan ciyaara, waxa uuna Madaxweynaha horey uga qeyb galay tarmada Baaskiil wadistsa iyo sidoo kale fardo fuulka .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -