Gudiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo ka shiray qodobo xasaasi ah (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 21-aad  ee Guddiga  Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo ajandihiisu ahaa hindise sharciyeedyada la horgeynaayo Golaha.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeennada Golaha Shacabka BJFS Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka.

Waxaa looga hadlay habraaca dastuurka, iyadoo kulanka warbixin looga dhageystay guddiga kasoo tala-bixinta wax ka bedelka iyo kaabista dastuurka KMG ah ee JFS kaasoo ka shaqeynaya muddo kordhinta DF dooneyso ee lagu muransan yahay.

Dhanka kale guddiga ayaa dood ka yeeshay  War-murtiyeedkii kasoo baxay shirkii Madasha Wadatashiga Qaran kaasoo ay ku gacan seyrtay Puntland, waxaana lagu balamay in ajandaha lagu soo daro kulanka soo socda ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS.

Gunaanadka kulanka Guddiga Joogtada oo saacado qaatay ayaa lagu lafa guray arrimaha dastuurka, War-murtiyeedkii madasha iyo warbixin uu soo gudbiyay Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, taas oo ku saabsan shaqada maamulka iyo maareynta Golaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -