Farmaajo oo la dardaarmay xubnaha Somalia ku metelaya Ciyaaraha Olombikada (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay xubnaha ku matelaya Dalkeenna Ciyaaraha  Olombikada Adduunka ayaa ku dhiirri-geliyey in ay kor u qaadaan magaca iyo sumcadda dalkeennu uu ku leeyahay ciyaaraha Olombikada.

Kulankan oo ay goob-joog ku ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Siciid Xamse iyo Sarakiil ka tirsan Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa Madaxweynuhu waxa uu guddoonsiiyey Cali Iidow Xasan oo ka mid ah xiddigaha matalaya Dalkeenna Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si uga dhex muujiyo Fagaaraha Olombikada Adduunka.

“Dhammaan ummadda Soomaaliyeed ayaa idin garab taagan oo bandhiggiinna sugaysa, iyaga oo idinka rajaynaya in aad ka miro-dhalisaan tababarkiinna iyo dadaalkii la idinku bixiyey. Natiijo kasta oo aad kala soo laabataan Ciyaaraha Olombikada Jabbaan waxaad ku mudan tihiin bogaadin iyo dhiirri-gelin.”

Dalkeenna waxa ku matalaya Tartankan Ciyaaraha Olombikada Adduunka labo ciyaartooy oo kala ah Cali Iidow Xasan oo ka qeyb-gelaya ciyaaraha fudud gaar ahaan orodka 800-Mitir iyo Ramlo Cali oo ku matalaysa Feerka ahna gabadhii ugu horreysey ee Soomaaliyeed oo ka qayb gasha tartan Caalami oo heerkan ah.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ciyaaryahannada Qarankeenna ku matalaya Olombikada Adduunka u rajeeyay guul, isaga oo xusay magaca iyo maamuuska Qaran ee ay huwan yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -