Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

(Sawirro) Taliska NISA ee Jubbaland oo soo bandhigay rag ka tirsan Al-Shabaab

Hawlgallo ay ciidanka Nabad-sugidda iyo sirdoonka Jubbaland ka sameeyeen xaafadaha Magaalada Kismaayo ayaa lagu soo qabtay saddex ruux oo ka tirsan Shabaab.

Saraakiisha NISA ayaa sheegay in raggan ay falal amniga lid ku ah ka wadeen magaalada Kismaayo.

Ragga la soo qabtay ayaa la sheegay iney qirteen in bambooyinka gacanta laga tuuro ay habeenkii ku weerari jireen goobaha ay ku caweeyaan bulshada taasoo ujeedkeedu ahaa khal-khal gelinta ammaanka sida ay sheegeen saraakiisha Jubbaland.

“Fashilinta iyo soo qabqabashada shabakadan ayaa timid kadib markii ay ciidanka nabad-sugidda iyo sirdoonka Jubbaland howlgallo xiriir ah ka sameeyeen xaafadaha magaalada Kismaayo” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska NISA ee Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Boqor Buurmadow oo goordhaw Xabsiga laga sii daayay kadib Cafis loo fidiyay

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo la sheegay in uu raadinayo Ra’isul Wasaare aan nuuciisa la arkeyn !!

Cabdi Cade

Muuse Biixi: “Somalia haddii ay Nukliyer haysato wey ku dhufan lahayd Somaliland”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---