Allbanaadir.com
NEWS

Muuse Biixi: “Somalia haddii ay Nukliyer haysato wey ku dhufan lahayd Somaliland”

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad uu ka jeediyey xuska munaasabadda 18-ka May ka sheegay in heer gebogebo ah marayo dhamaystirka heshiiskii horaantii sannadkan uu la galay Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya ee ku saabsanaa saldhigga Ciidan.

Heshiiskaas oo ay ka soo horjeesatay dowlada Somalia ayaa dhigayey in Itoobiya dhul badeed ay ka sameysato saldhig ciidan iyo deked laga siiyo xeebaha Somaliland, taas bedelkeedna ay u aqoonsato Somaliland dal madax banaan.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu xusay in wakhtiga dheer ee uu qaatay dhamaystirka heshiiskan uu yahay mid la xiriira in dhinacyadu iska hubinayeen waxyaabaha saameynta leh ee lagaga soo noqon kara qodobada heshiiskan ka kooban yahay.

Madaxweyne Biixi, waxa kale oo uu si adag u dhaliilay Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu si adag uga soo horjeestay heshiiska isfaham ee ay wadagaleen Somaliland iyo Itoobiya.

Muuse Biixi ayaa xusay in Somalia haddii ay nukliyer haysato ay ku dhufan lahayd Somaliland, isagoo xusay in Dowlada Somalia ay u taagan tahay isku day kasta oo lagu carqaladeynayo horumarka Somaliland.

 

Related posts

Tirada Ciidamada iyo Shacabka ku geeriyooday Dhul-gariirkii ka dhacay Turkiga oo la Shaaciyay

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo goor dhow shaacisay in berri ay tahay Maalinta 1aad ee Ciidul fitriga

Caydiid Ali

Farmaajo oo codsi u diray beesha caalamka iyo Galmudug oo wada abaabul dagaal

Caydiid Ali
Taboola Ads ---