Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa ka soo kordhay dagaalka todobaad jirsaday ee Armenia & Azerbaijan? (Sawirro)

Ciidamada Armenia iyo Azerbaijan ayaa maanta sii wada dagaalkooda oo galay maalintii toddobaad ee uu ka socdo agagaarka gobolka Nagorno-Karabakh, iyagoo iska dhega tiray baaqyada caalamiga ah ee xabad joojinta.

Armenia ayaa sheegtey in caasimadda gobolka ee Stepanakert lagu bartilmaameedsaday duqeyn ay geysteen xoogaga Azerbaijan.

Masuuliyiinta gobolkan gooni-u-goosadka ah ayaa ka digay in “dagaalkii ugu dambeeyay” ee gobolka uu bilowday. Waxa Sabtida maanta ah ugu baaqeen beesha caalamka in “aqoonsiga madax-bannaanida” Nagorno-Karabakh ay tahay “habka kaliya ee wax ku oolka ah ee nabadda lagu soo celiyo.”

Armenia ayaa Jimcihii sheegtay in ay kala shaqeyn doonto Ruushka, Mareykanka iyo Faransiiska dib u cusbooneysiinta xabad joojin ka hergasha gobolka Nagorno-Karabakh iyadoo tirada dhimashadu ay sare u kacday maalintii lixaad oo uu dagaal ka socda gobolkan gooni-u-goosadka ah ee dhaca Koonfurta Caucasus.

Azerbaijan, oo kula dagaalameysa xoogagga qowmiyadaha Armenia ee Nagorno-Karabakh, ayaan ka jawaabin baaqa xabad joojinta ee ay u direen saddexda dal ee sida wadajirka ah u guddoomiya Ururka Amniga iyo Iskaashiga ee Yurub (OSCE) Minsk Group ee dhexdhexaadinaya colaaddan.

Madaxweynaha Azerbaijan, Ilham Aliyev, ayaa Talaadadii meesha ka saaray in Armenia lagala hadlo arrimaha gobolka Nagorno-Karabakh, iyadoo Turkey oo xulufo la ah Azerbaijan ay Khamiistii ku dhawaaqday in saddexdan quwadood ee waaweyn aysan door ku lahayn nabadeynta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Magaalo laga mamnuucay cunista Hilibka Eeyaha iyo bisadaha iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Dowlada oo Fariin muhiim ah u dirtay Ganacsatada Soomaaliyeed ee hantida badan ku heesata …

Cabdi Cade

Kim Jong-un oo markii ugu horeysay bixiyey raali gelin aan looga baran

Caydiid Ali
Taboola Ads ---