Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Kim Jong-un oo markii ugu horeysay bixiyey raali gelin aan looga baran

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa raali gelin ka bixiyay dilkii sarkaal u dhashay Kuuriyada Koonfureed, sida ay sheegtay madaxtooyda dalkaasi oo ku taalla magaalada Pyongyang.

Kim Jong-un ayaa u sheegay dhiggiisa Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in in khalad ay aheyd in la dilo sarkaalkaas.

Kuuriyada Koonfureed waxay sheegtay in ninkan oo 47 jirka ah lagu eedeeyay inuu u baxsanayay dhinaca Kuuriyada Waqooyi xilli ay arkeen ciidamada ilaalada Waqooyiga oo howlgal ka sameynayay badda.

Ciidamada Kuuriyada Waqooyi ayaa ka dibna qabtay oo dilay sarkaalka, waxayna dab qabadsiiyeen meydkiisa, sida ay sheegtay xukuumadda Seoul.

Kim oo aan looga baran raali gelinta noocan ah ayaa sheegay inuu si weyn uu uga xun yahay dilka sarkaalka, isago aan faahfaahin kale bixinin.

Waxaa la adkeeyay ammaanka xadka, Kuuriyada Waqooyi oo dhaqan gelisay siyaasad ah Toogasho ka dhan ah cid kasta oo isku daydo inay u tallaabsato xadkeeda si looga hortaggo cudurka COVID-19.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

War Deg Deg Ah: Ra’isul Wasaaraha Itoobiya oo goordhaw gaaray Eritrea iyo soo dhaweyn aan …

Cabdi Cade

Daawo Sawirada :Sida uu u socdo Dhismaha Laamiga Degmada Dayniile

Cabdi Cade

(Sawirro) Maxaa ka soo baxay kulan Wasiirka difaaca Somalia la qaatay dhigiisa Kenya?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---