Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Maxay tahay digniinta ka soo baxday Maamulka Puntland ee shacabka loo jeediyey?

Wasaaradda degaanka, Beeraha iyo isbedelka cimilada Puntland sheegtay inay roobab Mahiigaan ah oo dabeylo wata ay ku soo wajahan yihiin degaanada Puntland.

Fariintan ayey wasaaraddu si gaar ah ugu dirtay goboladda Bari, Nugaal, Sanaag iyo Sool kuwaasoo qaybo ka mid ah ay durba roobabku ka bilowdeen.

Dadweynaha ayaa looga digay iney ku dhawaadaan goobaha biyuhu maraan sida togaga oo laga yaabo in daadad ka dhashay roobabka ay ka soo rogmadaan sidoo kale kaluumeysatada ayaa digniin taas la mid ah loo jeediyey.

Dhowaan ayey ahayd markii Haweeney ay ku dhimatay roobab dabaylo wata oo da’ay degmada Rako-raaxo ee gobolka Karkaar ka dib markii qaadeen daadad ka dhashay roobabkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo saakay ka dagay Nairobi iyo xayiraadii saarneyd oo …

Cabdi Cade

Madaxweyne horey loogu xukumay xabsi 24 sano ah oo 8 kale loogu daray

Caydiid Ali

Yaa la wareegay aqlabiyada aqalka Senetka ee dalka Mareykanka ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---