Ciidanka Danab oo howlgal ku dilay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab (Magacyada)

Hawlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska  Danab ayay ku dileen Saraakiil ka tirsan Al-shabaab sida ay sheegeen taliyeyaasha ciidankaas.

Danab ayaa hawlgalkaan ka fuliyey duleedka degaanka Leego, gaar ahaan tuulada Sahan-yarey oo ka tirsan degmadda Wanla-weyn, halkaasoo ay  ku dileen saraakiil ay kamid yihiin Cabdicasiis Awoowe oo Al-shabaab u qaabilsanaa Sirdoonka gobolka Shabeelada hoose iyo sarkaal magaciisa lagu soo koobay Abuu-Qadaab oo ahaa madaxii qaraxyada Gobolka Sh/hoose.

Waxaa sidoo kale howlgalkaas lagu dilay lix dagaalyahan oo la socday sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidanka Danab ee hawlgalkaasi fulinayey.

“Hawlgalkaan waxaa sidoo kale lagu bur-buriyay goob maxkamad beenaad u aheyd Argagixisada oo dadka shacabka ah ay ku baadi jireen, iyaddoo Danab intii hawlgalka ay ku guda jireen ay kusoo qabteen liis ay ku qoran yihiin magacyada, nambarada iyo meelaha ay kala joogaan sixiroolayaasha Alshabaab ay ummadda u adeegsadaan” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka Danab.

Ciidanka Kumaandoska xoogga dalka ee Danab ayaa kordhiyay hawlgalada ay ku beegsanayan Al-shabaab ee ka socda gobolka Sh/hoose iyo degaano kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -