Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada oo shaacisay Lacagta Sanadkan xajka ku tagayaan dadka Soomaaliyeed

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in laga heshiiyay khilaafkii ka dhashay qiimaha xajka sanadkan lagu tagayo.

Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ayaa dadaal badan u gashay sidii loo yareyn lahaa qarashka faraha badan ee dadka looga qaado xajka , waxa ayna Wasaarada ku guuleesatay in lacag badan laga dhimo lacagihii sanadkii hore lagu tagayay xajka.

Wasaarada ayaa sheegtay in sanadkan dadka Soomaaliyeed ku xajin doonaan lacag dhan  $3,300(sadex kun, sadex boqol), lacagtan ayaana ah mid dadka loogu qabanayo dhamaan adeegyada dhan sida Visaha ,Diyaaradaha, deegaanka iyo adeegyada kale.

Dowlada Soomaaliya ayaa sanadkan u ogolaatay shan kamid ah Shirkadaha Diyaaradaha Soomaaliya ka howlgala kuwaa oo sanadkan Dalka Sacuudiga u daabuli doona Xujeyda Soomaaliyeed.

Shirkadaha Wasaarada Heshiiska la gashay ayaa kala ah

  1. Shirkadda Daalo Airlines
  2. Shirkadda Jubba Airways
  3. Shirkadda Ocean Airways
  4. Shirkadda African Express
  5. Shirkadda Freedom Airlines

Wasaarada owqaafta iyo Arimaha Diinta Xukuumada Soomaaliya ayaana soo saarista Viisooyinka Xajka kala heshiin doonta shirkadaha Diyaaradaha ee loo ogolaaday in dadka Soomaaliyeed xajka geeyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Trump oo isticmaalay Daawo marar badan ay ka digeen dhaqaatiirta

Cabdi Cade

Maxkamada Ciidamada oo Xukun ku riday askari labo qof ku dilay Muqdisho

Cabdi Cade

Deeqdii raashinka ee katimid Imaaraadka oo lagu wareejiyay Wasaaradda arrimaha gudaha (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---