Maxkamada Ciidamada oo Xukun ku riday askari labo qof ku dilay Muqdisho

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku riday askari katirsanaa ciidanka booliiska Soomaaliya oo 24-kii bishii April degmada Boondheere ku dilay labo qof oo shacab ah.

Askarigan oo lagu magacaabo Xasan Aadan Xasan ayaa Maxkamada ciidamada ku heshay in dil bareer ah u geestay labo qof oo shacab ah xili uu dhaqan galinayay bandow dowlada kusoo rogtay magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida xasan Cali Nuur shuute ayaa sheegay in xukun dil ah lagu riday Dable Boolis Xasan Aadan Xasan oo ay ku cadaatay in uu dilay  Xasan Cali Cadaawe iyo Madiino Cabdullaahi Cabdi .

Dilka askariga u geestay labada qof ee shacabka ah ayaa magaalada Muqdisho ka abuurtay banaan baxyo rabshado watay oo dhigeen shacab ka careesnaa dilka askarigan u geestay labadan qof oo mid kamid ah aheyd haweeney umul ku jirtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -