Allbanaadir.com
NEWS

Amaanka magaalada Muqdisho oo isbadal weyn lagu sameeyay

Dowlada Soomaaliya ayaa adkeeneysa amaanka magaalada Muqdisho inta lagu guda jiro bisha barakeesan ee Ramadaan, waxaana qeybo badan oo magaalada kamid ah lasoo dhoobay ciidamo badan oo amaanka xaqiijinaya.

Isgoosyada magaalada Muqdsho ee horey looga qaaday ciidankii ku sugnaa ayaa mar kale lasoo dhigay ciidamo cusub oo amaanka sugaya sidoo kale baaritaano ku sameenaya gaadiidka shacabka.

Ciidamadan cusub ee lagu daadiyay magaalada Muqdisho ayaa ah ciidamo gaar ah oo dowlada ugu tala gashay in ay wax ka qabtaan amaanka magaalada gaar ahaan dilalka qorsheesan oo kusoo batay Caasimada.

Xaafadaha magaalada Muqdisho qaarkood ayaa lagu arkayaa ciidamo koox koox meel u fadhiya iyo kuwo u socda, waxaana ciidankan ay xiran yihiin dareeska ay caanka ku yihiin  ciidanka Xaslinta caasimada .

Isbadal ayaa laga dareemayaa magaalada labadii maalin ee lasoo dhaafay , waxaana heegan la galiyay ciidamada amaanka si ay uga hortagaan dilalka iyo qaraxyada inta badan ka dhaca Muqdisho.

Magaalada Muqdisho waxaa maalmihii lasoo dhaafay kusoo badanayay dilal aad looga argagaxay, waxaana kooxaha dilalka geesanayay qaarkood muuqaalo ka duubayeen dadka ay dileen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Diidmada Gudoomiye Mursal ee doorashada iyo Wararkii ugu danbeyay ee digniinta Booliiska Soomaaliyeed !!

admin

Shir u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo Muqdisho ka furmay (Sawirro)

Cabdi Cade

Xassan Shiikh iyo dhigiisa Burundi oo War Murtiyeed wadajir ah soo saaray (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---