Gudoomiye Cumar Filish oo dhagax dhigay dhismaha Mashruuc cusub (Sawirro)

Gudoomiyaha gobalka banaadir ahna duqa magalada muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxmed (Cumar filish) iyo sii hayaha wasiiru-dowlaha wasaaradda waxbarashada xukumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan  Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) ayaa maanta deegaanka Gubadley ee duleedka degmada Kaaraan ka dhagax dhigay dugsiga saree ee Gubadley kaasoo ay wax ku baran doonaan caruurta deegaanka.

Dhismaha iskuulka Gubadley ee maanta la dhagax dhigay waxaa iska kaashanaya maamulka gobolka Banadir iyo wasaaradda waxbarashada dowladd Soomaaliya

Munaasabad dhagax dhiga waxaa sidoi kale ka qeyb-galay ku xigeenada gobolka banaadir sida ku xigeenka maamulka iyo Maaliyadda iyo ku xigeenka howlaha guud ee gobolka .

Maamulka degaanka iyo qeybaha bulshada ayaa masuuliyiinta ku soo dhaweeyay waxaana ay ka hadleen baahida ay u qabaan bulshada xarun dugsi sare maadaama deegaanka haatan laga dareemo isbedel isla markaana ay ku adagtahay in magaalada Muqdisho ay  u soo aadaan.

Sidoo kale waxaa goob ka ahaa masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo xildhibaanno ka tirsan barlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Caassimada Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo la hadlayay bulshada deegaanka ayaa ku bogaadiyay inay sii wadaan ololaha isxilqaanka leh oo ay ku dhisanayaan xarumaha danta guud ee bulshada loogu adeego.

Maamulka deegaanka Gubadleey ayaa hore ololaha isxilqaan ugu dhisay Saldhiga Booliska ,Dusgiga Hoose iyo dhexe, iyo sidoo kale xarunta maamulka oo ka kooban garoonka ciyaaha,xarun iskuul,qeybaha xafiisyada maamulka iyo sidoo kale qeybo kale xarunta Cisbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee deegaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -