Xildhibaan sheegay in Jawaari isku bedelay Hogaamiye kooxeed Maxkamadna lasoo taagayo

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Mooshinku ka yaalo oo wata ciidamo hubeesan xoog kula wareegeen xarunta ay ku shiraan Baarlamaanka.

Xildhibaan Cabdulaahi Bidhaan oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo goordhaw la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ciidamo ka amar qaata Gudoomiye Jawaari xoog kula wareegeen hoolka ay ku shiraan Baarlamaanka.

Waxa uu sheegay Xildhibaan Bidhaan in Gudoomiye Jawaari isku bedelay Hogaamiye kooxeed hubeesan , waxa uuna sheegay in Jawaari doonayo in xoog ku afduubto Baarlamaanka.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dalku ka gudbay xiligii qab qablayaasha iyo hogaamiyo kooxeedyada ka talin jireen, waxa uuna fal fool xun ku tilmaamay hab dhaqanka Gudoomiyihii Baarlamaanka Jawaari.

”Ciidamo taabacsan Jawaari ayaa la wareegay xarunta Baarlamaanka, waxa ay qoryo la saaran yihiin dhismaha Baarlamaanka sidoo kale waxa ay ku jirana gudaha hoolka, waxaan u sheegayaa Jawaari waa dhamaatay xiligii qab qablayaasha meel xiran jireen, Jawaari dambiga uu galay logama harayo Maxkamad ayaa lasoo taagayaa sharciga ayaana qaban doona” Ayuu yiri Xildhibaan Bidhaan.

Inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ku sugan banaanka xarunta golaha shacabka, waxaana xarunta Baarlamaanka hareeyay xiisad ka dhalatay ciidamada hubeesan uu wato Gudoomiye Jawaari.

Kulankii Baarlamaanka ee la filayay in maanta yeeshaan Xildhibaanada Baarlamaanka ayaan wali furmin, waxaa gudaha xarunta iyo banaankeeda laga dareemayaa xiisada u dhaxeysa Xildhibaanada labada garab u kala jabay.

- Advertisement -