Marwada 1aad ee dalka oo dhagax dhigtay dhismaha Isbitaal cusub (Sawirro)

Marwada Madaxweynaha Dalka Saynab Cabdi Macalin iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid  ayaa maanta dhagax-dhigay isbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee Degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Dhagax-dhiga waxaa ku wehlinayay guddoomiyaha golaha wakiilada Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal ,Guddoomiyaha gobolka mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal iyo masuuliyiin ka socday hay’adda Qatar Charity ee Soomaaliya.

Marwada Madaxweynaha Dalka Saynab Cabdi Macalin ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsanatahay in xafiiskii ugu horeeyay ee noocaan ay ka hirgaliso degmada Hobyo waxaana sidoo kale ay sheegtay in xaruntaa loo dhisay dhammaan deegaanada hoosyimaado.

“Waxaan idin kula dar daarmayaa inaad ilaashataan xarunta muhiimka u ah Haweenka Soomaaliyeed sidoo kale Sharaf ayay ii tahay inaan wax uqabto dadkeyga iyo dalkeyga ,hase ahaate waxaa igu dhaliyay in xaruntaa dhiso fariin iiga timid haweenka deegaanka ayay ku dartay hadalkeeda marwo Seynab Cabdi Macalin Marwada madaxweynaha dalka.

Sidoo kale Marwada madaxweynaha Dalka Seynab Cabdi Macalin waxaa ay sheegtay in mashruucaan dhismaha xarunta  hooyada iyo dhalaanka qarashka ku baxaya ay ka kaashaneyso Hay’adda Qatar Jaarati sidoo kale dhulkane uu bixiyay muwaadin Soomaaliyeed Abshir Diine Cawaale

Ugu dambeyn marwada madaxweynaha dalka waxa ay umahadceliyay dhammaan bulshada iyo masuuliyiinka kala duwan ee soo dhaweynta diiran usameeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -