Ciidamada Kenya oo dad hor leh ka qafaashay gobolka Gedo (Akhriso Magacyada)

Ciidamada Kenya u qaabilsan la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada ayaa saacadihii lasoo dhaafay dad hor leh ka qafaashay deegaano hoostaga degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Ehelada dadkan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ee loo yaqaano GSU ay soo galeen deegaanka Daarusalaam oo hoostaga degmada Ceelwaaq ayna halkaasi ka qafaasheen afar nin oo xoolo dhaqato ahaa.

Afartan nin ee qafaasheen ciidamada Kenya ayaa eheladooda waxa ay ku sheegeen magacyadooda Cabdifitaax Xasan Nuur, Cabdifitaax Diiriye Qorane, Cabdullaahi Cali Dhicis iyo Maxamed Ibraahim Afey.

Ciidamada Kenya ayaa ragan ay qafaasheen ula dhaqaaqay dhinaca xadka Kenya , lamana oga in ragan ay ciidamada Kenya dileen iyo in ay xabsiga dhigeen, waxaana walaac uu lasoo darsay ehelada dadkan ciidamada Kenya qafaasheen.

Degmada Ceelwaaq deegaano hoostaga ayaa dhawaan ciidamada Kenya waxa ay ku dileen dad shacab ah, dilkaasi ayaana waxaa ka dhashay caro xoogan oo dhalisay dibad baxyo iyo in ay isku dhacaan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya ee jooga xadka Baladxaawo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -