Mareykanka oo Shuruud uga dhigay Sudan in ay xiriir la yeelato Isra’il si looga saaro …

Dowlada Sudan ayaa si adag uga hortimid qorshe dowlada Mareykanka ku dooneyso in ay ku cadaadiso si xiriir diblumaasiyadeed ula yeelato maamulka Isra’il sida ay hadaba sameeyeen dowladaha Imaaraadka iyo Baxreyn.

Saraakiil katirtsan Mareykanka ayaana hor dhigay Sudan shardi ah in xiriir diblumaasiyadeed la yeeshaan Isra’il si looga saaro liiska wadamada taageera kooxaha argagaxisad ah oo sanado badan ku jirtay Sudan.

Ra’iisul Wasaaraha Sudan Cabdalla Hamdok ayaa sheegay in dalkiisu dooneyn is la isku xiro ka saarista dalkaasi ee liiska argagixisada ee Mareykanku ku daray oo ah arrin la xariirta in la caadiyeeyo xiriirkeeda Isra’il.

“Mowduucan (xiriirka Israel) waxa uu u baahan yahay dood qoto dheer oo bulshada dhexdeeda ah, waana u sheegnay Mike Pompeo in lakala saaro in la caadiyeeyo xiriirka ay la leedahay Isra’il iyo ka qaadida liiska argagaxisada” ayuu yiri Hamdok.

Dowlada Sudan ayaa lagu daray liiska waxa Mareykanka ugu yeero dalalka taageerada siiya argagixisada sanadkii 1993-kii, waxa uuna Mareykanka hada doonayaa in Sudan ku qasbo in xiriir la yeelato Isra’il si liiskan looga saaro Dowlada cusub ee Sudan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -