Dagaal xadka Belad-xaawo ku dhexmaray Ciidamada dowlada Somalia iyo kuwa Kenya

Iskahorimaad dhexmaray Ciidamada dawlada Kenya iyo kuwa Soomaaliya ayaa ka dhacay xadka ay wadaagaan magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo iyo degmada Mandhera.

Lama oga sababta ka dambeysa iska horimaadkan balse goob joogayaal ayaa sheegaya in labada ciidan ay tacshiirad xooggan isweydaarsadeen.

Askari ka tirsan Ciidamada Kenya ayaa la soo sheegayaa inuu ku dhaawacmay iska horimaadkan, waxaa jiri kara khasaare kale

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamadii Kenya ay iskaga carareen fariisimihii ay ku sugnaayeen ee ku yaallay xadka gobolka Gedo ee Beled Xaawo iyo Mandhera

Xaaladda ayaa hadda lagu soo warramayaa inay tahay mid deggan, iyadoo ay ku sugan yihiin goobta Ciidamada dawlada Soomaaliya oo halkaas mudooyinkanba ku sugnaa, welina ma jiro war ku saabsan iska horimaadkan oo ka soo baxay saraakiisha labada dowladood.

Dagaalkan ayaa ku soo aaday xili ciidamada Kenya ay laba maalin ka hor deegaan ka tirsan Ceelwaaq ku dishay qof shacab ah, saddex kalena ka xaysatay, kuwaasoo iyana markii dambe ay dileen, waxaana arintaas ka dhalatay caro xooggan iyo dibed baxyo looga soo horjeedo ciidamada Kenya

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -