Maxay ka wada hadleen Cumar Filish iyo Xubnaha labada gole ee beesha Hawiye?

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka ku metela beelaha Hawiye ayaa xalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Kulankan ayey wararku sheegayaan in looga dooday qodobo badan oo ay ka mid ahayeen sababta heshiiska doorashooyinka loogu soo dari waayey 13-ka kursi ee gobolka Banaadir dhawaan laga siiyey golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada qaar ayaa Guddoomiye Cumar Filish, Farmaajo, Waare iyo Qoor-Qoor ku dhaleeceeyey inay ku guul-dareysteen in heshiiskaas ay ku soo daraan metelaadda Muqdisho.

Heshiiskan ayaa lagu wadaa in maanta baarlamaanka la hor geeyo, lagana doodo ka hor inta aan cod la gelinin, waxayna xildhibaanada beelaha Hawiye Muqdisho ka wadaan olole lagu doonayo in 13-ka kursi ee gobolka Banaadir lagu soo daro heshiiska maanta la hor geynayo Baarlamaanka.

Madaxda Jubbaland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa si weyn u diidan 13-ka kursi ee gobolka Banaadir laga siiyey golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -