Maamulka Gedo oo ka hadlay wararka sheegaya dagaal saaka ka dhacay Belad-xaawo

Maamulka Gobolka Gedo ayaa ka hadlay dagaal la sheegay inuu saaka ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Kenya dhinaca Belad xaawo iyo Mandera, kaasoo dhexmaray Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Kenya.

Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji ayaa beeniyey in wax dagaal ah uu ka dhacay xuduudka labada dal gaar ahaan aaga Balad-xaawo.

“Waxaan ku suganahay Magaalada Belad-xaawo waxba kama jiraan wararka baraha Bulshada lagu faafiyay ee sheegaya in saaka uu dagaal dhexmaray Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Kenya” ayuu yiri Guddoomiye Cismaan Nuur.

Dhinaca kale, waxaa uu ku hanjabay in haddii Ciidanka Kenya ay joojin waayaan dhibaatooyinka ay ka wadaan Degmooyinka Gobolka Gedo ay tallaabo cad ka qaadi doonaan Ciidanka dowladda Federaalka ee ku sugan Balad-xaawo.

Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka Gobolka Gedo inay si nabad ah u dhigaan dibax-baxyada ay uga soo horjeedan tacadiyada Ciidanka Kenya ka geysteen Ceelwaaq.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in tacshiirad xoogan ay maanta barqadii isweydaarsadeen ciidamada dowlada Somalia iyo kuwa Kenya ee ku sugan xadka Belad-xaawo iyo Mandhera inkastoo xaaladu ay hadda degan tahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -