Cabdirashiid Gebigebi oo la dilay xili uu kasoo baxay Masaajid

Kooxo hubeesan ayaa xalay Xaafada Israac ee Waqooyiga magaalada Gaalkacy waxa ay ku dileen Cabdirashiid Xasan Xaashi (Gebigebi) oo soo noqday  taliyihii hore ee ciidamada birmadka Puntland ee gobolka Mudug.

Sargaalkan ayaa la dilay xili uu kasoo baxay Masaajid uu kusoo dukaday xalay Salaadii cishaha, waxaana dilka kadib goobta si deg deg ah uga  baxsaday ragii hubeesnaa ee fuliyay dilkaasi.

Ciidamada amaanka maamulka Puntland ayaa Waqooyiga magaalada Gaalkacyo kawada howlgalo ay ku baadi goobayaan ragii hubeesnaa ee ka dambeeyay dilka sargaalkan katirsanaa ciidanka Puntland.

Waqooyiga magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhaca dilal qorsheesan oo loo geesto masuuliyiin iyo saraakiil katirsan maamulka Puntland, waxaana dilalkaasi qaarkood sheegata kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

 

- Advertisement -