Al-Shabaab oo labo nin ku toogatay fagaare ku yaalla gobolka Hiiraan

Maxkamad ay leedahay Al-shabaab ayaa xukuno dil ah ku fulisay labo qof nin lagu eedeeyay dembiyo kala duwan.

Fagaare ku yaalla degmada Buq Aqable ee gobolka Hiiraan ayaa shalay gelinkii dambe lagu toogtay labada nin, iyadoo ay daawanayaan dadweyne ay isku soo bixiyeen al-shabaab.

Qaadiga maxkamadda Al-shabaab oo goob fagaare ah ka akhrinayay xukunka eedaysanayaasha ayaa sheegay mid ka mida uu ahaa Jaasuus halka midka kale uu ahaa askari ka tirsan Maamulka Hirshabelle.

Axmed Max’ed Abiirkar oo ahaa 33 sana jir ayaa lagu eedeeyey inuu la shaqeynayay ciidamada AMIAOM ee ku sugan degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Ninka labaad oo magaciisa lagu sheegay Cabaas Max’ed Cismaan ayaa sida Al-shabaab ay sheegtay qirtay inuu basaas u ahaa Maamulka Hirshabelle qeybta sirdoonka ee magaalada Beled Weyne waxaana lagasoo qabtay tuulada Booco ee gobolka Hiiraan.

Al-shabaab ayaa degaanada ay ka taliso marar badan horey uga fuliyey xukuno noocan ah oo lagu duliyey dad ay ku eedeeyaan iney jawaasiis u yihiin ama la shaqeeyaan DF iyo ciidamada shisheeye ee taageeraya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -