(Sawirro) Dayuurad ku burburtay Magaalada Chuguev & dad badan oo ku dhintay

Dayuurad xamuul oo ay leeyihiin Ciidamada Cirka ee dalka Ukraine ayaa ku burburtay meel u dhow magaalada Chuguev, halkaas oo ay ku dhinteen 25 qof.

War soo saartay Dowladda ayaa lagu sheegay in shilkaas ay laba qof oo dhaawacyo qaba ka badbaadeen laguna daweynayo goobaha caafimaadka iyadoo xaaladoodu liidato.

Shilkan oo dhacay fiidnimadii xalay ayaa yimid ka dib markii dayuuadda Antonov An-26 ay isku dayday in ay si deg deg ah u degto, waxaana ka dib la arkay dab xoog leh oo qabsaday dayuurada.

Kooxaha Gurmadka ee dawladda Ukraine ayaa sheegay 27-ka qof ee saarnaa waxay ahaayeen shaqaalihii dayuurada iyo aqoonyahanno ka socday Jaamacad ay leeyihiin ciidamada cirka.

Tan iyo sanadkii 2017, illaa 10 dayuuradood oo Antonov An-6 ah ayaa shilal galay sida laga soo xigtay xafiiska fadhigiisu yahay Geneva ee Dayuuradaha, waxaana socda baaritaan la xiriira sababaha keenay shilkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -