Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Nabad sugida Jubbaland oo fashilisay qaraxyo lagu aasay duleedka Kismaayo (Sawirro)

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugida iyo sirdoonka Jubbaland ayaa sheegay iney fashiliyeen miinooyin ay kooxda argagixisadda Al-Shabaab geliyeen wadada isku xirta Goobweyn iyo Yoontooy ee duleedka magaalada Kismaayo.

“Waxay dhagar qabayaasha Al-Shabaab damac sanayeen in ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah ee wadooyinka isticmaala” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Nabad sugida Somalia.

Rag la sheegay in lagu tuhunsan yahay falkan ayaa gacanta lagu hayaa waxaana ku socdo baaritaano sida ay sheegeen saraakiisha nabad sugida Jubbaland.

Ciidamada Jubbaland ayaa dagaal adag kula jira xoogaga Al-shabaab oo had iyo jeer qaraxyo iyo weeraro kale ka geysta duleedka magaalada Kismaayo iyo degaano kale oo ka tirsan gobolka Jubada hoose.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo ma leeyahay xiligan qorshe aan muddo kororsi labo sano ahayn?

Cabdi Cade

Akhriso Wareegto: Axmed Madoobe oo Magacaabay xilal cusub

Caydiid Ali

Maxbuus in ka badan 20 sanno ku xirnaa Xabsiga milatariga ee Guantanamo oo lasii daayay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---