Xiliga Baarlamanka Somalia la horgeynayo heshiiskii DF & D/goboleedyada oo la shaaciyey

Sida lagu sheegay qoraal goor dhow ka soo baxay guddoonka golaha shacabka, labada gole ee baarlamanka Somalia ayaa maalinta beri ah oo Sabti ah yeelanaya kulan wadajir ah oo ka dhacaya xarunta golaha shacabka ee ku taalla gudaha xarunta Villa Somalia.

Kulankan wadajirka ah oo ah mid ah xasaasi ah ayaa la filayaa in labada aqal lagu horgeeyo heshiiskii dhowaan ka soo baxay madaxda DF iyo dowlad goboleedyada, kaasoo la xiriiray hanaanka doorashooyinka ee Somalia.

“Beri oo Sabti ah Taariiikhduna tahay 26 Septembar waxaa jira Kulan wadajir ah labada Gole ee BFS yeelan doonaan kaasoo Agendaha looga hadlayo uu yahay u codeynta heshiiska Siyaasadeed ee Jihaynta doorashada Xildhibaanada BFS ee 2020/21” ayuu lagu sheegay qoraal ka soo baxay goor dhow gudoonka golaha shacabka.

Xildhibaanada labada aqal ayaa la filayaa iney si ansixiyaan heshiiskii siyaasadeed ee ay gaareen madaxda DF iyo dowlad goboleedyada ee la xiriiray nooca ay noqoneyso doorashada soo socota ee dalka la ka dhaceysa inkastoo ay jiraan xildhinaano iyo xubno ka tirsan gudoonka golaha shacabka oo heshiiskaas saluugsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -