Ilhan Cumar oo ka careesiisay dad badan oo Muslimiin ah (Daawo Sawirada)

Gabadha asalkeedu Soomaaliga yahay kana tirsan Xildhibaanada aqalka Congress-ka ee Mareykanka ayaa ka careesiisay dad badan oo Muslimiin ah, kadib markii ay ka qeyb gashay munaasabad ay dhiganayeen dadka isku jinsiga ah ee isku galmooda.

Ilhan Cumar ayaa laga dhax arkayay Munaasabad ay sanadkiiba mar dhigtaan bishan oo kale dadka isku jinsiga ee hadana isku galmooda. waxa ayna Ilhan  barteeda Twitterka soo dhigtay iyada oo la ciyaareysa qaar kamid ah dadka laga roonayaasha ah.

“Waqti cajiib ah oo ciyaaro iyo dabaaldeg ah ayaan la qaaday #TCPride damaadkii isbuuca”, ayey ku qortay barteeda Twitter-ka, waxa ayna sii raacisay muuqaalka iyada oo dadkaasi la ciyaareysa khoob ka ciyaar.

Ilhan Cumar ayaa horey aqalka ay katirsan tahay ee Congress-ka u geysay hindise sharciyeed difaacaya xuquuqda dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda, waxa ayna cambaareesay boqortooyada Brunei oo dalkeeda ka mamnuucday in ay isku galmoodaan dadka isku jinsiga.

Xildhibaanadan asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ayaa cambaareyn xoogan oo kaga imaaneysay dadka Muslimiinta ah kala kulantay munaasabada foosha xun ay ka qeyb gashay, waxaana baraha bulshada lagu baahiyay dacaayado ka dhan ah Ilhan Cumar.

Ilhan Cumar ayaa caan ka noqotay dunida kadib markii ay noqotay gabadhii ugu horeesay oo Muslim ah xubina ka noqota aqalka Congreska dalka Mareykanka, waxa ayna Ilhan sidoo kale kusoo caan baxday markeedii hore difaaca Muslimiinta Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -