Dowlada Turkiga oo baaq ku aadan taageerada Somalia u dirtay dalalka Islaamka

Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Turkiga Mevlüt Çavuşoğlu ayaa dowladaha iyo shacuubta islaamka ugu baaqay in ay gacan weyn ka geystaan caawinta dadka Soomaaliyeed ee la dhibaateysan fatahaadda wabiyada Jubba iyo Shabelle.

Wasiir ayaa hadalkaan ka jeediyay shir ay isugu yimaadeen wasiirada arrimaha dibadda ee ururka iskaashiga islaamka oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya kaasoo ka qabsoomay magaalada Doxa ee dalka Qatar.

“Waa inaan meel iska dhignaa khilafaadka dhexdeena ah isla markaana aan qaadanaa mowqif mid ah si Soomaaliya loogu soo dabaalo nabad iyo barwaaqo, beesha caalamka waxaan ugu baaqeynaa inaysan ildhaha ka laaban dhibaatada ka jirta Soomaaliya” ayuu wasiir Mevlüt Çavuşoğlu.

Waxaa uu soo hadal qaaday dib u dhiska ciidanka Qaranka Soomaaliya waxaana uu sheegay wasiirka in dowladiisu ay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed isla markaana ay garab ku siineyso la dagaalanka argagixisada.

Turkiga ayaa ah saaxiibka ugu weyn ee dowlada Somalia, isagoo dalka ka wada mashaariic badan oo ay ka mid yihiin dib u dhiska adeegyada bulshada iyo tababarka ciidamada qalabka sida ee Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -