Caalamka Islaamka Beri ma Ramadaan baa mise waa 30-ka bisha Shacbaan?

Inta badan dowladaha waaweyn ee Islaamka ayaaa isku raacay in maalinta beri ah aysan aheyn Soon ka dib markii caawa la arki waayey bisha barakeysan ee Ramadaan oo la filayey iney bilato, maadaama bisha shacbaan ay aheyd maanta 29.

Dowlada Indonesia oo ah dalka ay ku nool yihiin muslimiinta ugu badan caalamka ayaa noqotay dowladii ugu horeysay ee sheegtay ineysan beri aheyn Ramadaan.

Sidoo kale dalalka Qatar, Sacuudiga, Imaaraadka, Ciraaq Urdun, Lubnaan iyo dowlada kale oo islaam ah ayaa iyana sheegay in caawa la arki waayey bisha ramadaan.

Dowladaha islaamka ayaa isku raacay in maalinta beri ah ay tahay 30-ka Shacbaan, ayna bisha Ramadaan si rasmi ah u bilaabaneyso maalinta khamiista ah ee xigta.

Wasaarada awqaafka iyo arrimaha diinta ee xukuumada Somalia ayaan ka hadlin arimaha la xiriira bisha Ramadaan ee sanadkan inkastoo Soomaaliya ay inta badan soonka la bilowdo, lana ciido dalalka Carabta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -