Wararkii ugu dambeeyey ee khasaaraha dagaalkii Tukaraq & gaadiid la kala qabsaday (Daawo Sawirro)

Dagaalkii subaxnimadii hore ee maanta ka bilowdey degaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa qaboobey caawa gabal dhicii ka dib markii roob xooggan uu ka da’ay goobaha lagu dagaalamayey kaasoo hakiyey socodka gawaarada gaashaaman ee dagaalka la isku adeegsanayey sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya degaankaas oo saaka waaberigii uu ka qarxay dagaal u dhexeeya ciidamada Puntland iyo kuwa maamulka Somaliland.

Dagaalka ayaa ka bilowdey laba jiho oo ka baxsan laamiga. Ciidamada Puntland ayaa sheegtey in ay qabsadeen ilaa 6 gaari oo kuwa gaashaaman ah oo uu ka mid yahay gaari gaashaaman iyadoo  wararka qaar ay sheegayaan iney jiraan gaadiid sidoo kale laga qabsaday ciidamada Puntland.

Istraatiijiyadda dagaalkan ayaa aheyd mid ka duwan sidii markii hore la filaayey inuu ka dhacayo laamiga, waxaana dadka ka faaloodaa sheegayaan in Somaliland dagaalka dhanka miyiga ka dhacay ay dhibaato xooggan ku tahay, iyadoo markii hore la filayey in waddada laamiga ah la isku heli doono.

Ugu yaraan 50 askari oo ka tirsan labada dhinac ayaa dagaallkaas ku dhintay, halka askar ku dhow 100 oo labada dhinac ah ay ku dhaawacmeen, waxaana jira gaadiid la kala qabsaday iyo qaar la iska gubay.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland ahna afhayeenka Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac,  ayaa sheegay in dagaalkii maanta ay guul ka gaareen.

Afhayeenka ayaa sheegay in ciidanka Puntland ay gaareen banaanka Tukaraq, ayna ciidamadii Somaliland ka saareen Magaalada.

Cabdullaahi Maxamed Jaamac ayaa sheegay in ciidanka Puntland ay gacanta ku dhigeen Beebayaal iyo gawaari kale oo uu sheegay in ay wateen ciidanka Hargeysa, isagoo xusay iney Saxaafadda ku casuumi doonaan Tukaraq.

Afhayeenka Puntland ayaa sheegay in ay qabteen maxaabiis dhalinyaro Soomaaliyeed oo la soo khalday sida uu hadalka u dhigey, qaar dhaawac yihiin wuxuuna sheegay in ay daaweynayaan dhaawacyada ay qabteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -