Ciidanka Danab oo howlgal ku dilay Shiikh C/llaahi Gaare iyo ilaalo la socotay

Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan kuwa Danab ayaa sheegay inay dileen Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab ka dib markii ay dhowr jiho ka wareereen degaanka Mubaarak ee gobolka Sh/hoose oo kooxdaas ay ku xoogan yihiin.

Saraakiisha Ciidanka Danab ayaa xaqiijiyay in Howlgalka lagu dilay Guddoomiyihii Al-Shabaab ee degaanka Mubaarak iyo koox Ilaaladiisa ka tirsan.

Sidoo kale, sida lagu sheegay warka aksoo baxay Danab, Ciidanka ayaa howlgalkaas ku qabtay, kuna burburiyey gaari Hoomey ah oo Al-Shabaab ka soo buuxiyeen waxyaabaha qarxa.

Sarkaalka lagu dilay howlgalkaasi ayaa lagu magacaabo Shiikh C/llaahi Gaare oo ahaa gudoomiyihii degaanka Mubaarak sida ay sheegeen ciidamada Danab

Al-Shabaab ayaan ja hadlin howlgalkaan Ciidanka dowladda ay sheegeen in ay ku dileen Gudoomiyihii Shabaab ee degaanka sidoo kalena ay ku fashiliyeen gaari Qaraxyo laga buuxiyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -