(Sawirro) Taliyaha AMISOM oo booqday ciidamada Itoobiya ee jooga Baydhabo

Taliyaha Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee (AMISOM) Lieutenant Gen. Diomede Ndegeya ayaa ku ammaanay ciidamada Itoobiya  ee fadhigoodu yahay degaanada Koonfur-galbeed sugidda amniga iyo kaalintii ay ka geysteen guud ahaan dadaallada loogu jiro xasilinta Soomaaliya.

Lieutenant Gen. Diomede Ndegeya ayaa booqday ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Magaalada Beydhabo,wuxuuna kala hadlay xoojinta wadashaqeynta dhinacyada AMISOM iyo sidii loo dardrgali lahaa howlgalada lagu baacsanaayo kooxaha nabad-diidka.

Gobollada Bay, Bakool, iyo Gedo, waxaa ku sugan ciidamo ka socda Difaaca Qaranka Itoobiya oo xaruntoodu tahay Magaalada Baydhabo, ee xarunta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -