Dhismaha Iskuul loogu magac Daray Qanyare oo la dhagax Dhigay (Sawirro)

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir  Ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Mohamud Mohamed Filish, Gudoomiye ku xigeenada Gobolka, Axmed Iimaan ,Wasiiru Dowlaha W/Waxbarashada Cabdi raxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri)  iyo Xildhibaan C/weli M Qanyare ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha Dugsi sare ee Qanyare.

Dugsigan sare ee loogu magac daray Allaha u Naxariistee Maxamed Qanyare Afrax oo si bilaashah wax ugu baran doonan Caruurta Gobolka Banaadir, gaar ahaan degmadda Dayniile ayaa laga dhagax dhigay dhul uu lahaa Qanyare oo kuyaala Dayniile.

Kanyare Foundation uu horey u aas aasay Maxamed Qanyare ayaa sidoo kale Dhul kale oo saaran goobta schoolka laga dhagax dhigay u waqaftay in laga dhiso Masjid iyo Madaraso lagu barto cilmiga diiniga ah.

Dhulkan laga dhisayo Iskuulka iyo Masaajidka ayaa waxaa meel u dhaw ku aasan Allaha u Naxariistee Maxamed Qanyare, waxa uuna dhulkan u dhaw yahay Xarunta maamulka degmada Dayniile.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -