Maxkamada G/Banaadir oo deysay qaar kamid ah dadkii loo heestay Dilkii Xamdi iyo Ehelada Gabadha oo…

Waxaa maanta Maxkamada gobolka Banaadir la geeyay 7-qof oo u xirnaa kiiska kufsiga iyo dilka 11-kii bishaan Hotel kuyaala Muqdisho loogu geestay marxuumas Xamdi Maxamed Faarax oo aheyd gabar 19-sano jir ah oo sanadkan ka baxday Dugsiga Sare.

Dadka maanta maxkamada Gobolka Banaadir lasoo taagay waxaa ku jira ninkii ciidamada booliiska kasoo qabteen magaalada Cadaado , waxaa sidoo kale dadka Maxkamada la geeyay ku jira milkiilaha Hotelka dilku ka dhacay iyo rag kale oo joogay Hotelka.

Maxkamada maanta la horgeeyay eedeesayaasha ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaamno katirsan Baarlamaanka federaalka oo kamid ahaayeen Xildhibaan Xasan Macalin iyo Xildibaan Naciimo Maxamed Gacal iyo masuuliyiin kala duwan, ehelada gabadha la dilay iyo ehelada qaar kamid ah eedeesanayaasha.

Maxkamada G/Banaadir ayaa amartay in xafiiska xeer ilaalinta loo gudbiyo afar kamida dadka kiiskan loo heysto kuwaaso baaraha kiskan uu sheegay in kaliya looga shakiyay ku lug haanshaha kiiskan balse iyaga aysan wax lug ah ku laheyn.

Afarta nin ee Maxkamada amartay in lasii daayo ayaa waxaa kamid ah Milkiilaha Hotelka uu ka dhacay dilka iyo kufsiga iyo sidoo kale qaar kamid ah howlwadeenada hotelka oo loo soo xiray kuwaa oo horey u beeniyay in Hotelka dil iyo kufsi ka dhacay.

Ehelada Gabadha dilka iyo kufsiga loo geestay ayaa dhankooda cadaalad daro ku tilmaamay sii deynta dadkii u xirnaa kiiska kufsiga iyo dilka ee Xamdi Maxamed, waxa ayna sheegeen in ay dhacday laaluush qaadasho iyo cadaalad daro weyn.

Maxkamada gobolka Banaadir ayaana sheegtay in sadexda ruux kale ee kiiskan u xiran dacwadeentooda uu sii socon doono ayna dambi baarayaasha ku sameyn doonaan baaris dheeraad ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -