Sawir Siyaasadeed Muujinaya Midnimada Madaxda DF iyo kuwa maamulada oo la baahiyay

Baraha Bulshada ayaa si weyn loogu faafiyay sawir ay si wadajir ah ugu jiraan Madaxweynaha Soomaaliya, Gudoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka iyo Madaxda Maamul goboleedyada.

Sawirkan oo gadaashiisa la dhigay boor ay ku qoran tahay” Midnimadu waa Guusha Qarankeena ” ayaa si weyn loogu wadaagay baraha bulshada, mana jirin wax qoraal ah oo sawirkan la socday.

Dad badan ayaa aaminsan in sawirkan soo bandhigistiisa ujeedo ay ka dambeesay, waxaana Sawirkan ka muuqda Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo mudooyinkan khilaaf kala dhaxeeyay Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha golaha shacabka.

Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira qaarkood oo mudooyinkii lasoo dhaafay khilaaf xoogan ka dhaxeeyay ayaa maalmo kahor heshiis ka gaaray arimo badan ay kamid tahay doorashada iyo sida ay u dhaceyso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -