Wararkii Ugu Dambeeyay Banaanbaxyadii Muqdisho oo sii fiday iyo ciidamada dowlada oo…

Waxaa qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho kusii fidaya banaan baxyada ay dhigayaan shacab u badan dhalinyaro ku shaqeesata mooto bajaajta kuwaa oo ka careesan dil saakay askari booliis ah u geestay Wiil Bajaajle ah iyo abtigiisa.

Banaan baxa oo markii hore ka bilowday Isgooska Howlwadaag ayaa kusii fiday Laamiga Wadnaha iyo sidoo kale Laamiga Maka Al Mukarama, waxaana dadka banaan baxa dhigaya oo u badan dhalinyaro gubayaan taayaro iyaga oo sidoo kale dhagxaan tuuraya.

Sida aan wararka ku heleyno banaan baxayaal careesan oo dhagxaan iyo biro wata ayaa damcay in ay xoog ku tagaan xarunta ay ku shirayaan Baarlamaanka, waxaana banaan baxayaashaasi rasaas ku kala eryay ciidamada dowlada ee ku sugan Isgooska Sayidka.

Rasaasta lagu furay banaan baxayaasha ayaa la sheegay in dhaawacyo ka dhasheen waxaana banaan baxayaasha sidoo kale gaareen taayarana ku gubeen isgooska Dabka iyo qeybo kale oo kamid laamiga Maka Al mukarama.

Warar soo baxaya aya asheegaya in sidoo kale jiraan khasaaro dhimasho iyo kuwa dhaawac oo ka dhashay banaan baxa rabshadaha wata ee ka socda magaalada Muqdisho, waxaana ciidamada amaanka mararka qaar banaan baxayaasha u adeegsanayaan rasaas nool.

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa maanta saacado badan gashay jahwareer ,kadib markii dhalinyaro banaan baxayaal ah ay qeybo badan ku gubeen taayaro sidoo kale adeegsanayaan dhagxaan.

Waxii warar ah ee kasoo kordha banaan baxyada rabshadaha wata kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -