Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Federaalka iyo Wakiillada Beesha Caalamka oo maanta shir yeeshay (Sawirro)

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa guddoomiyay shir u dhexeeyay DFS iyo wakiillada beesha Caalamka oo maanta ka dhacay Muqdisho.

Shirkan oo ay sidoo goobjoog ahaayeen wasiirro ka tirsan xukuumadda xil gaarsiinta ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha Amniga, Dhaqaalaha,Bulshada iyo siyaasadda

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo faahfaahinka bixinayay shirka ayaa yiri” Waxaan maanta shir isugu nimid aniga iyo xubno ka tirsan xukuumadda xil gaarsiinta iyo Beesha Caalamka gaara ahaan dalalka inaga taageera dhinacyada amniga dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo siyaasadda, inagoo ka hadleynay dhinacyadaas iyo horumarka laga gaaray heshiiska siyaasadeed, dhaqaalaha iyo dib u habeynta socota”

Mudane Mahdi ayaa sheegay sidoo kale shirka lagu lafo guray qorshaha ay Ciidammada Soomaaliyeed kula wareegayaan amniga dalka iyo waddooyinkii arrintaas loo mari lahaa.

Shirkan ayaa lagu bogaadiyay horumarrada DFS gaartay muddooyinkii la soo dhaafay iyo joogteynta iyo xoojinta wadashaqeynta dowladda iyo saaxiibbada beesha caalamka ee Soomaaiya taageera.

Related posts

Wadahadalkii Masar & Itoobiya ee biyaha webiga Nile oo fashilmay & Xiisad ka dhalatay

Caydiid Ali

Al Shabaab oo isaga baxday deegaan ku dhaw Dhuusomareeb kaddib tagitaankii Madaxweynaha

Cabdi Cade

Midowga Musharaxiinta oo ka hadlay Go’aankii kasoo baxay Xukuumadda Rooble

Cabdi Cade
Taboola Ads ---