Wax ka Ogow Farqiga u dhaxeeya Xariirka Saaxiibtinimo ee Ragga iyo Dumarka!

Waxaa jiro baaritaanno lagu sameeyay saaxiibtinimada ka dhaxeeysa Gabar iyo Gabar iyo midda ka dhaxeeysa Wiil iyo Wiil, u jeedada baaritaannadan ayaa ahaa in la ogaado kala duwanaashaha ka dhaxeeyo labada jinsi.

Baaritaanka, ayaa lagu ogaaday in waxyaabaha ay ka simanyihiin ay ka badanyihiin waxyaabaha ay ku kala duwanyihiin!

Haddaba, waxaa jira waxyaabo xiiso badan oo ay saaxiibtinimada dumarka kaga gedisanyihiin midda ragga. Aan idinla wadaago qaar kamid ah.

Waxa ugu weyn ee la ogaaday ayaa ah, in saaxiibtinimada ragga ay ku saleysantahay ”Fal WADAAGID”, halka dumarka ay saaxiibtinimadooda ay la xiriirto ”DAREEN WADAAGID”, Haddii aadan weli fahmin, maxaa diidaya inaad faalada sii raacdo……..

Tusaale ahaan, ragga waxa ay saaxiibtinimadooda inta badan ku wadaagaan howlqabadyo ay ka mid yihiin: wada shaqeyn, howlo iska caawin, wax is dhaafsasho, wax isla diyaarin, wax gudbin IWM.

Kasoo horjeedkeeda, Dumarka waxa ugu weyn ee ay saaxiibtinimadooda ku saleysantahay ayaa ah ”DAREEN WADAAGID”!

Aan siin kala findhicilee, Dumarka waxaa ay amin iyo enerji geliyaan, sare u qaadidda  saaxiibtinimada, sida; inay joogto isu soo wacaan, u kulmaan, si loo wadaago, dareen iyo shucuur in la qufo mooyee aan la qarin karin!

Dareen wadaaggu, wuxuu noqon karaa in qof xaaladdiisa ka sheekeeyo, mid kale laga sheekeeyo, la isu cawdo, la isku calaacalo haddii loo baahdana la isku ooyo!

Dhanka kale, ragga juhdi badan kuma bixiyaan horumarinta xiriirka. Waxaa laga yaabaa, labo saaxiibo dhab ah aysan isa soo wicin muddoo dhowr maalmood ah, ninna uusan ninkale col iyo cadaawo toona u qabin!

Aan ku fogaado falaqeyntee, dumarka marka ay wada hadlayaan waxey adeegsadeen hadallo aad u macaan asii badanaa dibnaha ku eg dacalka laabtana jirin. Isku raali ahaada, weli baaritaannadi ayaan daba socdaa….

Tusaale, marka ay gabar wacdo mid kale, waxey adeegsataa ereyo macaan laabtu la laxowsato, kuwaa oo ay ka mid yihiin, ” Xabiibti, Macaanto, Huuno, Sharafeey xaggee joogtaa IWM”. Halka ragga laga yaabo, in mid saaxiibkii markuu waco uu ku bilaawo ereyo qalbiga quursanayo, lkn aan ninna qoorta iska saarin, kuwaas oo ay ka mid yihiin” waraa maraxoow, faataale, Ugaas, boos xaggee joogtaa IWM”

Sidoo kale waxaa jira caddeeymo muujinaya in xiriirka saaxiibtinimo ee dumarka dhexdooda ah uu ayahay mid dhaqsi burburi kara marka loo eego midka ragga. Taasina waxaa loo sababeeyaa in asalkiisaba DANO iyo DAREENO ku dhisanyahay.

Si kastaba, waxaa jira qaar tiro yar oo dareenkooda saaxiibtinimo daacadyahay, waana kuwa gu’yaal badan ku waara geediga xiriirka.

Isku soo wada duuboo, xiriirka labada jinsi ayaa ah mid aan laga maarmin, hayeeshee farqiga ugu weyn ee u dhaxeeya ayaa ah, in ragga xiriirkooda ku dhisanyahay ”Fal wadaag”, halka dumarkana ku tacaluqo ”Dareen wadaag”

W/Q Abdinasir Safaana

Email: safaanahaji@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -