Madaxweyne Farmaajo ma tanaasulay mise waa lagaga adkaaday Shirkii Muqdisho ?

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa sheegay in tanaasul badan sameeyay intii uu socday shirkii uu la lahaa Madaxda Dowlad goboleedyada si aan shirkaasi loogu kala tagin.

Farmaajo ayaana sheegay in Madaxda maamul goboleedyada dalka ay dhinac ka mareen kana soo horjeesteen qodobo uu ku dhegnaa oo kamid aheyd in dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah uu marar badan ku cel celiyay in ay dhaceyso.

Prof Yaxye Sheekh Caamir oo inta badan ka faalooda arimaha Dhaqaalaha iyo siyaasada ayaa sheegay in uusan jirin wax tanaasul ah uu sameeyay Madaxweyne Farmaajo balse looga adkaaday shirkii Muqdisho.

Waxa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo dhinac ka mareen maamul goboleedyadii oo dhan ay ku jiraan kuwii uu isku haleenayay, waxa uuna tilmaamay in tanaasul uu yahay wax aad awood u leedahay marka aad iska dhaafto balse aheyn wax dani kugu qasabtay.

“Tanaasul waa wax aad awood u leedahay oo iska dhaaftay, laakiin haddii maamul goboleedyada oo dhan ay dhinac ka mareen, taasi maaha tanaasul ee waaqica ayaa ka hor yimid, qof kasta waa ogeyd in aysan dalkan ka dhici karin doorasho qof iyo cod”ayuu yiri Yaxye Caamir.

Yahye Caamir ayaa sidoo kale sheegay in qabsoomida shirka ka dhacay Muqdisho iyo heshiiska la gaaray ku yimid cadaadis ka yimid beesha Caalamka, waxa uuna xusay in  aysan waxba is dhaamin in lagula fadhiyo iyo in wax laguu yeeriyo.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda maamul goboleedyada ayaa marar badan sheegay in iyagu dhaxdooda wada hadleyn eena heshiiyeen, hasa ahaatee waxaa xusid mudan in beesha Caalamka mar walbo gadaal ka riixeesay madaxdan shirtay cadaadisna ku heysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -