Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Jabuuti oo Dhoolatus ciidan ka sameeyay magaalada Baladweyne (Sawirro)

Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee ku sugan magaalada Baladweyne ayaa maanta u dabaal dagay sanadguuradii 44-aad ee kasoo wareegatay marki Jabuuti xornimada ka qaadatay gumeeystihii Faransiiska sanadi 1977-dii.

Munaasabada ciidamada Jabuuti ku qabteen xerada ay ku leeyihiin magaalada Baladweyne ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle, maamulka Gobolka Hiiraan iyo masuuliyiin kale.

Ciidamada Jabuuti ayaana intii ay ku jireen xuska maalinta xuriyada dalkaasi soo bandhigay dhoolatus , waxa ayna ciidamada halkaasi ku sameeyeen gaardo ka ciyaar ay ku muujinayeen sida ay uga faraxsan yihiin maalinta xuriyada dalkaasi oo maanta ku beegan.

Dalka Jabuuti iyo meelo badan oo caalamka katirsan ee kunool yihiin dadka Reer Jabuuti ayaa maanta oo kale si weyn looga xusaa sanadguuradii 44-aad ee kasoo wareegtay markii xurnimada ka qaateen gumeestihii Faransiiska ee dalkaasi xooga ku heestay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Das careysan oo dibad-bax ka dhigay Masar ka dib hadal ka soo yeeray Madaxweyne Sisi

Caydiid Ali

Qoorqoor oo booqday qoyska askarigii isku dhigay qaraxii uu ka badbaaday (Sawirro)

Caydiid Ali

Ilaalo Madaxweyne oo soo riday Diyaarad kor kala socotay xayiraada shacabka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---