Tartanka Wadaag Cup ee Muqdishu Cable Tv oo jaamacadaha Muqdisho loo qabtay (Sawirro)

Waxaa garoonka tayo ka furmay tartanka wadaag Cup oo ay qabato shirkada Muqdishu Cable Tv, waxaana sanadkan loo qabtay sideed jaamacadood oo ah kuwa ugu taageerada badan magaalada waxaana uu tartankan uu socon doonaa muddo todobaad ah.
 
Furitaanka tartankan ayaa waxaa kasoo qayb galay madax ka tirsan wasaarada dhalinyarada iyo cayaaraha iyo maamulka Sportska gobolka Benaadir iyo mas,uulityiinta iyo wakiilo ka socday jaamacadaha.
 
Ustaad Khaalid Mo,alim Mohamuud oo kamid ah guddiga tartanka ayaa sheegay in sanadkan ay balaariyeen tartanka ayna rajeenayaan in sanadka dambe uu noqon doono mid kasii wanaagsan kan hada ay qabteen
 
“Koobka Wadaag Cup ee shirkada Qabato sanadkan sideed jaamacadood ayaa u qabanay waxaana ugu tala galnay in mooral ahaan kor loogu qaado ardayda jaamacadaha waxaana rajeeneenaa in sanadka dambe kasii balaarino haduu alle idmo”ayuu yiri Ustaad Khaalid.
 
Guddoomiyaha Sportska Maamulka gobolka Benaadir Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish ayaa ugu mahadceliyay Muqdisho Cable Sports tartanka ay sanadkii mar qabtaan taasi uu sheegay in uu maamulka Gobolka qaybta Sportska la socdo ayna rajeenayaan in xiddigo tayo leh kasoo baxaan,waxaana uu intaa raaciyay in anshaxa la ilaaliyo.
 
“Muhiim ma ahan in tartan la qabtaa,waxaan marka hore ugu mahadcelinayaa Muqdisho Cable shaqada wanaagsan ee qabteen waxaana ku dhiiri galinayaa in ay sii balaariyaan oo ka dhigaan mid u furan jaamacasdaha magaalada oo dhan anagana waxaan ku taageereenaa wax kasta oo dhankeena ah waana bogaadineenaa mar kale”ayuu Wiish hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.
 
Lataliyaha xaga Sportska ee wasiirada Cayaaraha Soomaaliya Xuseen Ibraahiim Cali “Roombe”ayaa waxaa uu sheegay in isaga oo ka wakiil ah wasiirada Cayaaraha Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye in ay ku faraxsanyihiin in ay kasoo qaybgalaan tartankan waxaana uu ku bogaadiyay Muqdisho Cable Sports dhiiri galinta ay u sameeyeen ardayda jaamacadaha waxaana uu kula taliyay maamulka in jaamacadaha dalka oo dhan tartankaasi loo qabto wasaaradana ay ku taageereeso wax kasta oo ku hirgali karaan in uu qabsoomo tartankaasi.
 
“Aniga oo ka wakiil ah wasiirada Cayaaraha Soomaaliya waxaana bogaadineenaa in aan kasoo qayb galno tartankan,wasiirdana waa idinla socotaa waxaan mar kale ka codsaneenaa maamulka Muqdisho Cable in ay tartankan balaariyaan oo jaamacadaha dalka oo dhan ka dhigaan anagana waan garab taaganahay”ayuu yiri Mr Roombe.
 
kulankii koowaad ayaa waxaa wada dheelay jaamacadaha Ummada iyo Daha waxaana 4:0 ku badisay jaamacada Umadda halka jimcadiina Uniso 3:1 kaga badiyeen Jaamacada Jamhuuriya.
 
W/Q Abdalla Hassan Baliil
- Advertisement -