Soomaali badan oo laga soo tarxiilayo dalka Mareykanka oo kusoo wajahan Muqdisho

Dad badan oo Soomaali ah una badan dhalinyaro laga soo tarxiilayo dalka Mareykanka ayaa lagu wadaa in maalmaha soo aadan laga soo dejiyo garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho .

Sida aan wararka ku helnay Soomaalida laga soo tarxiilayo dalka Mareykanka oo ku dhaw 100-qof una badan dhalinyaro qaarkood dambiyo kala duwan galeen ayaa la filayaa in maalmaha Khamiista ama jimcaha lagu soo celiyo gudaha Soomaaliya.

Qareenada dadkan Soomaaliyeed u doodayay ayaa waalidiintooda ku wargaliyay in ay guul dareesteen dibna loogu celinayo Soomaaliya dadkooda oo isugu jira kuwa dambiyo lagu helay iyo kuwa loo diiday in qaxooti ahaan loo qaabilo.

Hooyo magaceeda kusoo koobtay Maryan oo kamid ah dadka caruurtooda Soomaaliya lagu soo celinayo ayaa sheegtay in ay ka murugeesan tahay wiilkeeda oon wax dambi ah galin in si qasab ah loogu tarxiilayo gudaha Soomaaliya.

“Wiilkeygu dad ma dilin , dad ma dhicin, guri ma xadin,darooga ma cunin, wiilkayga dambiga Mareykanka looga kaxeeyanayo anagu waan garan waaynay,”  ayay tiri hooyo Maryan, anagana waan rafaadnay,qareenno badan ayaan u qabanay , in badan ayaan looyaro u raadinay, midkaan u tagnaba waa lagaga guuleystay kiiska, aad iyo aad baan u rafaadnay, waxaan aad iyo aad uga xumahay caruurtiisa yaryar iyo aabahood oo la kala kaxeynayo,waa caruur aad u yaryar, waa 4 jir, labo jir iyo wax aan sanad gaarin”ayey tiri Hooyo Maryan.

Waalidiinta dhalinyarada Mareykanka laga soo celinayo ayaa aad uga walaacsan go’aanka Soomaaliya loogu celinayo, waxa ayna waalidiinta qaar sheegeen in caruurtooda aysan jirin dad uga horeeya Soomaaliya ama ehel la ah.

Soomaali badan oo laga soo tarxiilay dalka Mareykanka ayaa horey loogu soo celiyay magaalada Muqdisho , waxaana dadkaasi u badnaayeen kuwa si sharci daro ah ku galay dalkaasi iyo kuwa la sheegay in dambiyo galeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -