Wasiirka Maaliyada & taliska Xoogga dalka oo qorshe muhiim ah ka wada hadlay

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage iyo saraakiil kale oo ay ka wada hadleen arrimaha ciidamada.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in Wasaaraddu ay dar dargelisay howsha dib u habeynta ciidamada

“Maanta waxaan xarunta Wasaaradda Maaliyadda ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage iyo Saraakiil kale oo la socotay, waxaan ka wada hadalnay howsha dib-u-habeynta Ciidamada iyo faa’iida ay leedahay diwaangalinta casriga ah ee (biometric), Muhiimadeena 1aad waa Ciidamadeena, waana geesiyaal aan ku faano”. ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasaarada Maaliyada iyo taliska ciidamada xoogga dalka ayaa mudooyinkan iska kaashanayay howlo lagu diiwaan gelinayey ciidamada xoogga dalka oo qas iyo jahwareer badan badan uu ka jiray tiradooda saxda ah.

 

- Advertisement -