Allbanaadir.com
NEWS

Dil galabta ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Kooxo hubeesan ayaa galabta Suuqa Bakaaraha gaar ahaan agagaarka Suuqa Daawada waxa ay ku dileen nin dhalinyaro ah, waxaana goobta ka baxsaday dilka kadib kooxdii hubeesneyd ee ka dambeesay falkaasi dilka ah.

Sida aan wararka ku helnay Wiilkan dhalinyarada ah ayaa waxaa toogtay dhalinyaro biskoolado ku hubeesnaa , waxaana marxuunka la dilay magaciisa lagu sheegay Najiib Maxamed Axmed Gonday.

Ciidamada amaanka ayaana dilka kadib soo gaaray goobta lagu dilay wiilkan dhalinyarada ah, waxaana meydka marxuunka loo qaaday xarunt Dambi baarista CID-da si baaritaano loogu sameeyo.

Ehelada Wiilkan dhalinyarada ah ayaa sheegay in uu ahaa Macalin Iskuul balse dhawaan iska dhaafay , lamana oga wali sababta ka dambeesa dilka wiilkan dhalinyarada ah loogu geestay gudaha Suuqa Bakaaraha.

Suuqa Bkaaaraha oo horey uga mid aheyd goobaha ay ka dhacaan dilalka ugu badan ayaa mudooyinkan dambe amaankeeda soo hagaagayay, kadib markii dowlada Suuqaasi geesay ciidamo badan oo Nabad sugid dhar cad ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dalalka leh Maraakiib si sharci daro ah uga kaluumeesta Xeebaha Puntland oo lasoo bandhigay

Cabdi Cade

Turkiga iyo South Africa oo Safiiradooda kala baxay Isra’il iyo Madaxweyne Erdogan oo … 

Cabdi Cade

Taliska Xoogga dalka oo War ka soo saaray boob la sheegay inuu ka dhacay Xerada tababarka Imaaraadka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---