Dalalka leh Maraakiib si sharci daro ah uga kaluumeesta Xeebaha Puntland oo lasoo bandhigay

Maamulka Puntland ayaa Warbaahinta u soo bandhigay tirada maraakiib la sheegay in ay si sharci daro ah uga kaluumeestaan xeebaha Puntland iyo sidoo kale wadamada laga leeyahay Maraakiibtaasi.

Wasiirka Kalluumeysiga Puntland Faarax Cawaash Beeldaaj oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay sii kordhayaan maraakiibta sida sharci darada ah uga kaluumeesta xeebaha Puntland .

Waxa uu sheegay Wasiirka in 18 Markab oo laga leeyahay wadamada Iiraan, Hindiya iyo Pakistaan ay yihiin kuwa si sharci daro ah uga kaluumeesta xeebaha Puntland, waxa uuna sheegay in dacwad ka gudbinayaan maraakiibtaasi.

Wasiirka Kaluumeesiga ayaa sidoo kale sheegay in ay baaritaano ku wadaan maraakiib iyo shirkado kale oo aan shaktiyo ka heysan Wasaarada kaluumeesiga oo iyagana si sharci daro ah xeebaha Puntland uga jalaabta.

Xeebaha Soomaaliya oon laheyn ciidamo ilaaliya ayaa xili walbo waxaa si sharci daro ah uga jalaabta kana gurta kheyraadka ka buuxa maraakiib iyo doonyo laga leeyahay wadamo shisheeye.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -