Faahfaahin: Rag dareys ciidan watay oo Wiil 10 sano jir ah ku fara-xumeeyey Muqdisho

Askar la sheegay iney ka tirsan yihiin ciidamada DF ayaa Wiil toban sano jir ah ku kufsaday magaalada Muqdisho, iyadoo falalka kufsiga arxan darada ah ay ku soo badanayaan magaalada.

Maamo Fardowso oo ah hooyada dhibbanaha ayaa sheegtay in habeenkii Sabtida ay gurigeeda oo ku yaalla degmada Shingaani ee magaalada Muqdisho soo weerareen labo nin oo ku labisnaa dareyska milateriga kuwaasoo kufsaday wiilkeeda curadka ah.

“Markii aan ogaaday ujeedkooda ayaan la cararay gabar yar oo aan dhalay, waxaana kala booday mid ka mid ah daaqadaha guriga oo aan jebiyay, balse nasiib daro dhibaatadii aan aniga iyo gabadha ka cararnay waxay ku dhacday wiilkayga curadka ah” ayey tiri hooyo Fardowso oo intaas ku dartay in labada askari ay xabad ku soo rideen guriga ka hor inta aysan soo gelin si loo cabsi geliyo, taasoo ay sheegtay inuu ILAAHAY ka badbaadiyey.

Mid ka mid ah ragga falkan ka dambeeyay ayaa gacanta lagu dhigay, isaga iyo qori uu sitay waxaana loo gudbiyay xarunta hay’adda dambi baarista ee CID halkaasoo su’aalo lagu weydiinayo, halkii askariga labaadna uu ku jiro xaalad baxsad ah.

Dhaqaatiirta Caafimaadka Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in wiilka yar lagu sameeyay kufsi isla markaana uu ka muuqdo dhaawac xooggan oo ka soo gaartay dhibaatadii loo geystay.

Waa kufsigii labaad ee si fool xun uga dhaca Muqdisho todobaad gudihiis, iyadoo arrintani ay ku soo ku aaday xili dadku ay weli maankooda ka sii guuxeyso kufsigii iyo dilkii loo geystay Marxuumad  Xamdi Maxamed Faarax oo ahayd ardayad sanadkaan ka baxday dugsiga Sare ka dib markii ay u gacan gashay rag arxan laaweyaal ah.

Sidoo kale fal noocan oo kale ah aya dhawaan ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, kadib markii labo nin ay kufsadeen wiilal yaryar oo midkood markii dambe geeriyooday, kuwaasoo maalmo kadib iyana lagu fuliyay xukun dil ah iyagoo aan maxkamad la soo taagin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -