C/weli Muudey: “Sharci Gaalo oo diinta khilaafsan lama keeni karo fadhiga Baarlamanka”

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdiweli Ibraahim Muudey ayaa ku tilmaamay sharciga galmada ee horyaala Baarlamanka Soomaaliya inuu yahay Wasakh.

Sharcigan oo maanta kalfadhiga Baarlamanka looga hadlay ayaa Guddoomiye Muudey si caro leh ugu tilmaamay inuu yahay sharci Sheydaan oo ay dabada ka riixayaan koox Xildhibaano ah oo dano gaar ah ka leh.

“Mas’uuliyiin ayaa tihiin, waajib waxaa idinka saaran shacabka Soomaaliyeed, Gaalo miyaa Xildhibaan u tihiin, sharci gaalo miyaa ku dhaqannaa, gaalada sharcigeeda inta in la keeno maa shacabka ku dhaqeynaa, wixii sharciga Islaamka iyo Dastuurka qabin lama keeni karo Baarlamaanka” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamaanka.

Muudey wuxuu sheegay in Baarlamaanku ka hortagayo waajibna ka saaran yahay wixii diinta Islaamka halis ku ah.

Sharcigan muranku ka taagan yahay ayaa horey uga soo gudbay xukuumada federalka Soomaaliya, balse qaladaad badan oo dhinaca diinta ah ayaa loo hakiyay, si dib u sixid uu ugu sameeyo Baarlamanka inkastoo xildhibaanada qaarkood ayba diidan yihiin in dood la geliyo.

Qaramada Midoobay iyo hay’addaha caalamiga ah ayaa laftooda ka hor yimid sharcigan, iyagoo Baarlamaanka ugu baaqay inay joojiyaan ama lagu bedelaan sharci kale oo baarlamaanka la horeegyay 2018, waxayna sheegayaan in sharcigan uu baneynayo in la guursan karo dumarka 18-ka jir ah inkastoo shareecada Islaamku ay qabto in gabadha 18 jirka ah ay qaan gaar tahay, lana guursan karo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -