Qaar ka mid ah raggii kufsiga & dilka kula kacay Xamdi Max’ed oo gacanta lagu dhigay

Iyadoo uu socdo baaritaan dhinacyo bada leh oo lagu sameynayo kufsiga iyo dilkii loo geystay Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax ayaa ciidamada Booliska DF waxay gacanta ku soo dhigeen labo nin oo si weyn loogu tuhunsan yahay iney ku lug lahaayeen tacadigaas.

Mid ka mid ah ragga la qabtay ayaa la sheegay inuu ninkii degenaa qolkii lagu kufsaday Xamdi, waxaana laga soo qabtay hotel ku yaalla Muqdisho oo uu isku qarinayey xili uu qorsheynayey inuu beri ka dhoofo garoonka Aadan cadde, uuna diyaarsaday dokumentigii dhoofkiisa si uu baxsado, sida laga soo xigtay Saraakiil ka tirsan laanta dembi baarista ee C.I.D.

Ninkan la qabtay ayaa si weyn loo aaminsan yahay inuu ka qeyb qaatay fal dambiyeedka lagula kacay Marxuumad Xamdi, waxaana qabashadiisa ay bilow u tahay sidii ay cadaalad u heli laheyd Xamdi oo lagula kacay gaboodfal nafteeda lagu dhaafiyey.

Sidoo Kale, Waxaa la xiray nin kale oo si weyn loogu tihunsan yahay inuu ugu yaraan gacan siiyey ragga fal dembiyeedkan ku kacay kaasoo Boolisku sheegeen iney weli ku haayaan baaritaan qoto dheer.

Booliska Somalia ayaa baaritaan ku haya aqoonsiga iyo soo xirida raggii ka dambeeyey kufsiga marxuumad Xamdi kaasoo si  habsami leh u socda iyadoo la rajaynayo in la soo qabto cid kasta oo ka qeyb qaatay fal dembiyeedkan foosha xun.

Xamdi Maxamed Faarax ayaa dhowr maalmood ka hor laga soo tuuray meydkeeda dhisme lix dabaq ah oo ku yaalla xaafada Tre biyano ee degmada Waaberi ka dib markii kufsi fool xun lagula kacay, waxaana falkaas si weyn uga carooday bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibeda kuwaasoo dalbanaya in marxuumadu hesho cadaalad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -